halkaan kadhageeso subaca lagusubcinayo minhaajka imaam al-nawawi iyo xerta sheekh cismaan xidig.

August 13, 2011

ramadaan wacan

July 27, 2011

dhammaan umadaha musliinta khaasatan umadda somaliyeed iyo ardayda somaliya ee kawaxbarata jaamacadda ahgaff waxaan leeyahay ramadaan wacan..

websitka cusub ee ardayda somaliyeed ee yemen http://ahgaff.ahgaff.edu/ bishaaro bishaaro

July 16, 2011

http://ahgaff.ahgaff.edu/
waxaa dhammaan ardayda somaliyeed ee kawaxbarata jaamacadda ahgaff loogu bishaareenayaa in lafuray websit cusub oo cinwaankiisu yahay sidaan
http://ahgaff.ahgaff.edu/
kaasoo ay jaamacadda ahgaff ugu deeqday ururka ardayda somaliyeed .hadaba waxaa loogubishaareenayaa ardayda in kadaalacankaraa hadda iyo wixii kadambeeyay akhbaarta ardayda websitkaas.. oo aan kushubidoono wixii warara ah..

guddoomiyaha ururka ardayda somaliyeed ..sheekh hassan albasri iyo talooyin muhiim ah oo kusoda ardayda deqda waxbarasho karajayneesa dhawaan jaamacadda ahgaff .

July 5, 2011

. talooyin kusocda ardayda ahlusunna ee deeqda waxbarasho karajeyna dhawaan dalka yemen iyo msar.
1- in si xikmad ey kudhisantahay loodoorto kuliyadaha.
2- in dhaqanka diinta wanaagsan iyo caqiidada ahlusunna waljamaaca aan lagaweecan marna.
3- in la iskuxirnaado oo amiiro iyo urur hogaamiya ardayda ahlusunna lasameesto
4- in buufikiska iyo qabyaaladda laga fogaado.
5- in wixii thaqaafo ah sitaxadar leh looqaato, wixii maadi ah mushkilad malahan .
6- in lalasoco websitka ardayda wixii cusub .
7- in laweyneeyo munaasabada islamka kudhexweyn sida bisha mowliid.iyo in laxuso siyaarooyinka masha�ikhda
7- in habeenkasta oo jimca ah la aqriyo saliga nabiga s..c.s.w
in ladaalacdo websityada culimada ahlusunna sida
http://www.ahlusunna.org.
http://www.mustaqiim.com
http://www.shaaficiyah.com
http://www.albisri.4t.com
http://www.xassanalbasri.s5.com

iyo wixii lamid ah

shuruudaha aqbalka deeqda waxbarasho ee jaamacadda ahgaff.iyo 2011

July 5, 2011

shuruudaha aqbalka jaamacadda ahgaff.
August 10,2011
1- waa in uu heestaa shahaada dugsiga sare ama wax lamid ah oo leh tiimbaraha wasaaradda tarbiyada iyo tacliinta iyo tiimbarahakale ah wasaradda dibadda iyo tasdiqa
2- waa in uu ardaygu kubaasaa imtixaanka qabuulka jaamacadda haddii lamarsiiyo .
iyo wareesiga shakhsiyaded.
3- waa in ardaygu jaamacadda oo sooxaadhiraa duruusta jaamacadda
( muntadim.)
4- waa in uu shuruudaha kuliyadda ow doortay ardaygu uu kasoobaxaa..
5- waa in uu uqalmaa waxbarashada leeyahay caafimaad fayow..
6- waa in uu wataa tukumintiyada loobaahanyahay..taasoo ay kadalbankaraan maaumulka kuliyadda uu rabo in uu kubiiro..
7- waa in uu ardaygu buuxiyaa istimaarada doorasha oo takhasuska meesha uu kasii aadayo ah ..
8- waa in uu wataa dhowr sawir oo nooca ah lix lagudhuftay afar ah
9- waa in uu heesto 80 darajo marka uu dooranayo . cilmi ah..
10- 70 darajo marka uu dooranayo adabka. ama culuumta insaaniga..
intaas wixii dheer kalaxiriir websitka jaamacadda ahgaff oo ah sidaan
http://www.ahgaff.edu

wixiii faahfaahin ah kalaxiriir e-mailka guddoomiyaha ururka ardayda sheekh xasan albasri oo ah
xalbisri2@hotmail.com

xaflad ballaaran oo kakoobneed al-israa wal-micraaj iyo 1-da luulyo iyo siyaarta macalim biya maalow iyo sheekh calisamatar ayaa lagu qabtay xarunta ururka ardayda somaliyeed ee jaamacadda ahgaff ee yemen

July 2, 2011


xafladda si heersare ah ay usoo agaasimeen midowga ururka ardayda somaliyeed ee kawaxbarta jaamacadda ahgaaf ee dalka yemen oo kakoobneed sadax xafladood oo kala ah
xafladda ku aadan munaasabaddii dheelmidda n.c.s.w. ee al-israa wal-micraaj iyo munaasabad ku aadaneed siyaarta laba kamid ah culimada ugu waaween somaliya oo kala ah macalim biyamaalow iyo sheekh cali samatar iyo munaasabadda kale ee waddaniga ee kowda luulyo ayaa laguwada qabtay xarunta midowga ururka ardaya somaliyeed ee jaamacadda ahgaff ee dalkayemen ..
munaasabaddaan ayaa waxaa kasooqeebgalay ardayda kawaxbarata jaamacadda oo iskujira takhasusaat iyo heerar kaladuwan sida ardayda shareecada iyo maamulka iyo maareenta iyo kumpiyuutarka ,waxaana kamid ahaa mashaa ikhdi kajeedisay wacdiga sheekh c.qaadir macamalim maxamuud ciyow oo kahadlaya muxaadaro kusaabsan la-israa wal-micraaj sidookale waxaa kasoojeediyay kalma kusaabsan taariikhda sheekh cali samatar arday kamid ah ardayda kawaxbarata jaamacadda oo lagumagacaabo sheekh cabdullaahi macalim cumar halka uu kasoojeediyay isna ardayga lagumagacaabo c.raxmaan cumar guure kalmad kusaabsan macalim biya maalow …
intaas kadib waxaa loowada istaagay heesta calanka ayadoo ay ardayda qaarkamid ah kuluuqeeyeen heesta qaranka somaliya ..ee somaliyay toosooy .. ayadoo ardaydaga lagumagacaabo c.qaadir jaamac xalana uu kusoobandhigay gaadaaciyaar uu sameeyay calanka.. ..
waxaa xigtay kalmad uu kasoojeediyay madaxa ururka ardayda somaliyeed ahna madaxa hayadda cilmibaarista C.IR.DR oo ah sekrateerka jaamacadda dhinaca ardayda waa fidiinta SHEEKH HASSAN MACALIM MAXAMUUD SHEEKH HASAN ALBASRI o o kahadlaya ahmiyadda munaasabadda kowda luulyo asagoo siwacan ufaaqiday sida ow ilaah uu ugu nicmeeyay dalka somaliya waayo waxa ilaah uu kasaaray dalkeena istimcaarka oo kusooduulay dalka iyo dinta.. ..
waxaa meesha hadal kajeediyay madaxa african express mudane sayid maxamed xaashi oo kudheeraaday in loogabahanyahay ardayda somaliyeed sidi ay dalka uga samatabixinlahaayeen taxanaha musiibooyinka socda hadda….\
xaflada ayaa kusoafjarantay heesta calanka ..kadibna waxaa loodareeray madashii lagucashaynlahaa..

xafiiska ururka Midowga ardayda somaliyeed oo shir muhiim ah uqabtay ardayda qaarkood

June 18, 2011


shirkaan oo ulajeedasiiu aheed sidii looraadinlahaa midnimada somaliya ayaa waxaa hadalo kusaabsan munaasabaddaas kajeediyay qaarkatirsan ardayda iyo guddoomiyaha ururka ardayda somaliyeed ee dalka yemen sheekh HASSAN ALBASRI oo kudheeraaday muhiimadda ay leedahay in lamidoobo oo laga fogaado tafaraaruqa ..waxaana shirka kasooqeebgalay arday iskugujirta kuwa laga aqbalay gobalada somaliya oodhan sida ardayda kasoojeedda puntland iyo somaliland iyo galmudug iyo somalida kale .. waxaana jirta in intaas oo arday ay kumideesanyihiin caqidada islaamka ee ahlusunna waljamaaca ..

guddoomiyaha ururka ardayda somaliyeed ee yemen sheekh hassan albasri oo hambalyo udiraya maamulka gobaleedka puntland oo si heersare usoodhaweeyay ardaydii kasoctay jaamacadda ahgaff

April 11, 2011

Guddoomiyaha ururka ardayda somaliyeed ee kawaxbarata jaamacadda ahgaff sheekh hassan albasri ayaa hawada umarsiinaya hambalyo diiran maamulka iyo wasiirada iyo xildhibaanada dowlad gobaleedka puntland oo si heersare ah usoqaabilay una soodhaweeyay qaar katirsan ardayda somaliyeed kawaxbarata jaamacadda ahgaaf oo socdaal kujooga gobalada somaliya qaar kamid ah …
waxaana uu sheekh hasan albasri ugu hambalyeenayaa dowrkii wacnaa ay ugu soodhaweeyeen ardaydaas oo oo loodajiyay hotelo loona qabtay xaflado wacan …waxana uu leeyahay guddoomiyhu waa arrin mudan in looguhambalyeeyo dadkii kaqeebqaatay soodhaweenta iyo qabashada xafladdaas..

sheekh hassan albasri
yemen mukalla
xalbisri2@hotmail.com
967734543792

ardayda somaliyeed ee kawaxbarato jaamacadda ahgaff oo si heersare ah loogusoodhaweeyay puntland.

April 11, 2011

Boosaaso:(Allpuntland)-Waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland siweyn loogu soo dhaweeyey ku dhawaad 50-Arday Soomaaliyeed ah oo katimid dalka Yemen (JAAMACADDA AHGAFF ) waxna ka baranaysay jaamacadaha kaladuwan ee dalkaas iyagoo kasoo cararay dhibaatooyinka dalkaas ka jira oo ka lifay in la xiro dhamaan Jaamacadihii kaladuwanaa ee dalkaas ku yaalay kuwaas oo imika aysan wax waxbarasho ahi ka socon.

Ardaydan oo ay dooni kasoo qaaday xeebaha dalka Yemen ayaa kasoo dagay dekeda weyn ee magaalada Boosaaso,waxaana soo dhaweyntooda ka qeybgalay xubno katirsan maamulka gobolka Bari,kan degmada Boosaaso & Saraakiisha wasaarada Waxbarashada ee gobolka Bari kuwaas oo siweyn usoo dhaweeyey ardaydan iyagoo markii danbena geeyey hoteelo ay Wasaarada Waxbarashadu horey ugu sii diyaarisay ardayda ka timid dalka Yemen ee kasoo carartay dhibaatooyinka kacdoomadu wadaan ee halkaas ka jira.

Soo dhaweynta ardaydan kadib ayaa loo qabtay xaflad balaaran oo loogu soo dhaweynayo Tobonaanka arday ee dalka dib ugu soo laabtay kuwaas oo ay saameeyeen colaadaha kajira dalka Yemen,waxaana goobtaas ka hadlay saraakiil katirsan dawlada Puntland & qaarkamid ah ardaydii lasoo dhaweeyey iyagoo muujiyey sida ay ugu faraxsanyihiin soo dhaweynta loo sameeyey,waxaana maanta magaalada Boosaaso kasoo anbabaxay intabadan ardaydii katimid dalka Yemen kuwaas oo kasoo kala jeeday dhamaan gobolada kaladuwan ee Soomaaliya.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland

sawirada habiib paharun iyo habiib zain salin bin aqeal madaxda jaamacadda

April 4, 2011

xarun cusub oo cilmi baaris ah oo laga furay xafiiska ururka midowga ardayda somaliyeed ee j.ahgaff.

March 31, 2011

XARUNTAAN CUSUB AYAA LOOGU MAGACDARAY I C.R.D ISLAMIC CENTER FOR RESEARCH AND DEVELOPMEN .taasoo sameendoonta cilmibaaris cusub oo kusaabsan caalamka islaamka si looturxaanbixiyo arrimo badan oo muhiim ah .. xarunta hadda waxa ay gacanta kuheesaa baaritaano laxariira
1- kacoodanka caalamka carbeed
2- burcad badeedda somalida
3- qabiilka iyo qabyaaladda
4- khatarta takfiirka ..
iyo mowduucyokale oo muhiim ah
xarunta ayaa hadda codsi kaheshay raadiyaha voa si loobaahiyo mawaadiicda ay xarunta kusameeneeso cilmibaarista .. oo dhawaan ayay idaacaddu layeelandonta waraysi dheer madaxa xarunta I.C.R.D. SHEEKH HASSAN ALBASRI si looturxaanbixiyo arabs revolusion .. kacdoonka carbeed..
wixii faahfaahin kala xariir
xalbisri2@hotmail.com
telfon 967734543792

idaacadda barkulan iyo voa oo waraysi dhinacyobadan taabanaya layeelatay sheekh hassan albasri

March 13, 2011

kadhageeso www.somalivoa.com iyo http://www.barkulan.com warasysiga sheekh hassan albasri

sawirka madaxwayneha dalka yemen cali cabdallah saalix oo lafadhiya culimada suufiyada ee yemen .

March 6, 2011

sawirka culimada xabaabibta yemen..

March 6, 2011

halkaan kadhageeso waraysiga sheekh hassan albasri ee idaacadda voa iyo kacdoonka yemen

March 2, 2011

http://www.voanews.com/somali/news/Kacdoonka-Carabta-Qeybtii-Shanaad-116930728.html

sawirada ardayda soomaaliyeed ee kawaxbarata jaamacadda ahgaff ee yemen iyo xuska ixtifaalka mowliidka nabiga c.s.w.

March 1, 2011

U dabaaldagidda dhalashada Nabigeena NNKH ee sanadkan ayaa waxaa ay la bilaabatay dhalashada bisha Rabiicul Awal oo ay soomaalidu u taqaan bisha MowlidkaHabeenkii ay bilatay bishaasi ayey ardayduna bilaabeen in ay ku soo dhaweeyaan qabashada munaasabadokala duduwan oo ay ku muujinayeen farxadooda
Munaasabadahaasi ayaa waxaa ka mid ahaa khudbado xasaasi ah oo ay soo kala jeediyeen qaar ka tirsan ardayda dhigatakuliyadda Computer Science-ka,kuwaasoo dhab ahaan u muujiyay awooda cod-karnimo ee ku qarsoon ardayda soomaaliyeed eejaamicadda Al-Ahgaff
Labadii khudbo ee ugu muhiimsanaa ayey ciwaanadoodu kala ahaayeen [The Wakeup Project] ={Mashruucii baraarujinta} oo uu soo jeediyay ardayga lagu magacaabo Kheyre Ibraahim kaariye Taasoo uu kaga hadlayay qaabka ay Yuhuudu ku dooneyso in ay fikir ahaan ugu qabsadaan caalamka iyo tii labaad oo aheyd [How to solve Problems] oo uu iyana soo jeediyay ardayga kale ee lagu magacaabo maxamuud C.Laahi Carabwuxuuna ku talo iyo tusaaleeyay sida loo xalliyo mashaakilka
Waxaa sidoo kale ka mid ahaa munaasabadihii ay ardaydu ku soo dhaweeyeen bishanbarakeysantartan-aqooneed dhex maray ardayda kaasoo ay soo qaban qaabiyeen Guddi loo xil saaray habsami u socodka ixtifaalka dhalashada Nabigeena NNKH.
Waxey si heer-sare ahba ku socdaan bandhig-diineedyadani ayaa markii la gaaray habeenkii loo astay in la khatimo waxaa ka soo qeybgalay madaxda jaamicadda oo kala ah [1] Dr.Zain saadiq Saalim bin Caqiil oo ah madaxa xafiiska waafidiinta [2] Madaxa maamulka Jaamicadda Ciid Baaqiis [3] Madaxda shirkadaha xawaaladaha iyo kuwa duulimaadyadasida shirkada Qaran Express, Dahabshiil, African Airways iyo qaar ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn gobolka Hadramout sida Axmed sandheere iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan dalkaasi Yemen.
Waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay ardayda soomaaliyeed eeJaamicaddaHadramout, madaxa Jamciyatul Islaamiyah Xamsa Xuseen iyo arday ka socotay madarasada Qiraa’aatka ee Al-Ceydaruus
Xafladaasi oo habeenkaa oo idil socotayayaa waxaaabaal marino iyo shahaado sharaf lagu guddoonsiiyayardaydii ku guuleesatay tartan-aqooneedkii halkaasi ka dhacay waxaanamuxaadaraadkala duduwan soo jeediyeen culimada kala ah
[1] sheekh cabdullaahi mucalim cumar
[2] sheekh cabdulQaadir macalim maxamuud iyo
[3] sheekh nuun yuusuf
Iyadoo uu salawaatkuna garabsocday
Ugu dambeyntii ayaalagu soo gunaanaday xafladaasi xadro ay si wada jir ah u qaadayeen qeyb ka tirsan ardayda halka qeyb kalena ay si qurux badan uga jiibinayeen.
Ma aha markii ugu horeesay oo ardayda Jaamicadda Al-Ahgaff ay sidan oo kale u dhigaan munaasabada dhalashada Nabigeena NNKH inkastoo ay sanadkaan ku soo kordhiyeen waxyaabo aanhoray looga baran iyadoo la dareemayo in sanadba sanadka ka dambeeya ay firfircoonidu sii kordheyso

http://www.voanews.com/somali/news/Kacdoonka-Carabta-Qeybtii-Shanaad-116930728.html

February 28, 2011

http://www.voanews.com/somali/news/Kacdoonka-Carabta-Qeybtii-Shanaad-116930728.html
http://www.voasomali.com
kacdoonka carbeed

February 9, 2011

websitka ururka ardayda soomaliyeed ee yemen

February 8, 2011

hambalyo ixtifaalka mowliidka bisha mowliid

February 3, 2011

waxaan dhamaan hawada umarinayaa umadaha muslimiinta khasatan somalida inta n.c.s.w. jeceel hambalyada dhalashada bisha mowliid ee uudhashay n.c.s.w. inshallaah waxaan rajayndoonaa haddaan nahay ardayda jaamacadda ahgaff in aan qabandoono xaflad caalami ah sidii caadada noo aheedba..

January 16, 2011

MAQAAL KU SAABSAN (UHARSO)
URURKA HORMARINTA ARDAYDA SOOMAALIYEED
ãäÙãÜÜÉ ÊäãíÜÜÉ ÇáØÜÜáÇÈ ÇáÕÜÜæãÜÜÜÇá
SOMALI STUDENT’S DEVELOPMENT ORGANIZATION

Ururka oo la aas-aasay bilawgi sanadii tagtay ee 2010 taariikda maerkee aheed 01/01/2010 maalin jimco ah. waxaana aas-aaska ururka ka dambeeday ardayd soomaaliyeed ee joogta muqdisho iyo kuwa hada bara kacaku ahay deegaanada duleedada caasimada , kadib markii dhibaatada ardayda heesato ee badatay una muuqatay ardayda abaabulka howshaan ku lug laheed wax badan in laga badalo marxaladaan baahi weyn loo qabo iskaashi iyo wada shaqeen dhexmarta ardayda . waxaana ururka oo marxaladaan adag xubnihiisa ay damacsanyihiin iney wax ka badalaan iska warqab la’aanta iyo wadashaqeen xumada ka dhaxjirta ardayda soomaaliyeed, sidoo kale ururka waxaa qorshaha ugu weyn uu hiigsanayo ee tahay in marka la isku xiro ardayda soomaaliyeed si guud aan ka wada shaqeyno iskana wada kaashano daryeelida iyo gacan u fidinta ardayda walaalaha aynu nahay ee mashaakilaadka ama dagaalada dalka ka socda ee waxyeela adag ka soo gaarto.

intaa kadib ururka mudo waxa uu u halgamayay mideenta iyo isku keenida ardayda soomaaliyeed gaar ahaan daladaha mideeyo ardayda qurbaha joogto iyo kuwa gobolada si arinta iskaashiga iyo wax u qabadka ardayda mudo dhaw u hirgasho, waxa kale uu ururka u fidin doonaa garab gargaar tacliin ardayda danyarta ha ee aanan heli karin awooda qarashaadka waxbarashada si loo yareeyo qatarta jahliga bulshada ku hayo.

sidoo kale ururka waxa uu tababaro hormarineed iyo dood cilmiyeed waxtar u leh u qaban doonaa ardayda heerarka sare ee tacliinta dalka hada ku jira intaa kadib ururka waxa uu u gudbi doonaa xalinta baahi kasta oo caqabad ku ah sii wadashada ardayda waxbarashada anaga oo ardayda si isku duubni ah uga wada guul gaari doono.

dhanka waxqabadka ururka waxaa ururka uu dhisanyahay mudo sanad ah tabarta ururka oo yar awgeedna waxa hirgalay helidda xubno khibrad shaqo urur aqooon iyo kartiba u leh waana tan keentay in ururka ay hada ku jiraan in ka badan 50qof oo kala jooga dalka iyo dibada waxaana mudadaas ururka xubnaha iyo maamulka ay ku dadaalayeen in ay xiriir adag la sameeyaan ardayda dibada wax ka dhigato ayada oo hada ururka xiriir fiican uu la leeyahay ku dhawaad 3 urur arday oo ay ku mideesanyihiin in ku dhow 4,000 oo arday hadana waxa aan weli ku guda jirnaa helida wada shaqeyn intaan ka xoogan oo aan la yeelano ururada & ardayda soomaaliyeed ee dalka iyo dibada waxka barato, weliba waxaan codsi weyn usoo jeedineynaa madaxda ururada ardayda in aan yeelano xiriir adag iyo wadashaqeen xoogan waxaana mahadcelin weyn u jeedineynaa xubnaha ururka oo dalka iyo dibada kala joogo dadaalki weynaa ee mudada sanadka ah hirgaliyeen waxa aan ugu baaqeynaa ka mira dhalinta ahdaafta ururka loo aas-aasay.

ASBAABAHA KEENAY AASAASIDA URURKA

1.kadib marki ay soo badatay dhibaatooyinka nabadgalyo darida ah ee saameynta adag ku yeelato ardayda iyo bahda waxbarashada,isla aragnayna baahida ah in daryeel dhinacyo badan ah ay ardaydu ubaahi qabto
2.kadib marki aan aragnay baahida loo qabo dhanka tacliinta hoose dadka taagta daran iyo waxqabadka ardayda dhanka taakuleenta iyo daryeelka ardayda dhibanaha u ah dirirta
3.kadib markaan aragnay in qoysaska danyarta ah ay ubadkooda ay baahi weyn u qabaan tacaaliimta aasaasiga ah
4.kadib markaan aragnay baahida loo qabo iskaashiga ardayda iyo wadashaqeen la’aanta hada ka dhaxjirta ururada ardayda
5.marki aan aragnay baahida ah in ardayda cilmi maskaxdooda ku jiro iyo fikirkba ay u baahantay dad ka kale loo gudbiyo
6.marki aan aragnay in ay ardayda u baahanyihiin hormarin xaga qoraalada cabirida fikrada iskaashiga isfahanka iyo xalinta xasrada bahda waxbarashada iyo deegaanka ku xeeran
Ayaa waxaa go’aansanay inaan wax uun ka badalno arimaha kor aan kusoo xusnay hadba awoodayada intey tahay sida iyo ugu haboon una kordhin laheen tayada ardayda

UJEEDOOYINKA URURKA

1.dhisida ama sameynta xiriir adag oo ay yeeshaan ardayda iyo bahda waxbarashada
2.daryeelka iyo gacan ufidinta ardayda ku dhaawacma dhibaatada dhinacyada badan leh ee ardayda soo gaarto
3.waxqabadka ardayda dhanka taakuleenta iyo daryeelka ardayda dhibanaha u ah dirirta ka jirta dalka
4.ka gacan siinta qoysaska danyarta ah in ay ubadkooda helaan tacaaliimta aasaasiga ah
5.sameynta daraasad cilmiyeed ardayda cilmiga maskaxdooda ku jiro iyo fikirkba ay kusoo bandhigaan dadkana loo gudbiyo dadaalka ardayda iyo miraha ay durba dhalin karaan
6.qabashada barnaamijyo la xariira horumarinta ardayda dhinacyada ay hadba u baahanyihiin

Gabagabo

waxaa amaan iyo mahadcelin dhanka kale u direynaa bahada saxaafa oo door wacan oo wadashaqeyn ah na siiyay ugu danbeen waxaa baaq u jeedineynaa ardayda , ururada waxbarashada , ururada samafalka , ganacsatada soomaaliyeed , muxsiniinta wanaaga jecel in ey howlaha ardayda ay daryeel iyo muhiimada siiyaan si mushkilada dalka ay uga yaraato mahadsanidiin xariirka xog-hayaha warfaafinta saxaafada iyo warfaafinta UHARSO

Gudoomiyaha Ururka Mr.C/wahaab Maxamed C/dulle (Xaaji) xaaji0225@hotmail.com

Wixii faahfaahin ama intaa ka badan waxaa kala soco kartaan webpage-ka ururka oo ah http://www.uharso.webs.com ama waxaa nagala soo xirir kartaan

E-mail: uharso@hotmail.com and uharso@gmail.com

ardaydii ahlusnna oodhawaan la aqbalay oo cashiradoodii bilaabay

October 28, 2010

waxaa ilaah mahaddiis ah in ay dhammaan wada bilaabeen ardaydii kasocotay daladda waxbarasho ee ahlusunna waljamaaca duruustii jaamacadda kadib markii ay soodhameestireen wixii jaamacadda ay uga baahneed ee muhiim ah … oo sidaas ay kufariisteen kuraasta jaamacadda .. waxaana ilaah uga rajaynayaa in uu usahlo tacliimta oo ay noqdaan kuwii loo aayo..

Qaar ka tirsan ardaydii joogtay Gobolka mukala ee jaamacada Al-Ahqaff University oo shalay soo gaaray magaalada Tariim

October 18, 2010

Qaar ka tirsan ardaydii joogtay Gobolka mukala ee jaamacada Al-Ahqaff University oo shalay soo gaaray magaalada Tariim.

9 10 2010
Waxaa shalay saacadu markii ay ku beegneyd 10kii subaxnimo ka soo baxay Gobolka Mukala arday gaareysa ilaa 41 oo ahaa ardaydii loogu tala galay in ay dhigtaan kuliyada Qiraa’aatka Qur’aanka Kariimka ah ee Jaamicadda Al-Ahqaf University iyagoo shalay goordambe soo gaaray magaalada Tariim.

Ardaydan ayaa waxaa ay qeyb ka ahaayeen in ka badan 200 oo arday oo soomaali ah oo sanadkaan bilaabaya jaamicadda Al-Ahqaff University oo ku taala dalka Yemen kuwaasi oo ka kala yimi guud ahaan gobolada kala gedisan ee dalka Somalia iyo waliba wadamada dariska ah oo ay soomaalidu dagto.

Sanadkan ayaa noqday sanadkii ardaydii ugu badneyd abid oo soomaali ah ay qaadato jaamicadda Al-Ahqaff university walow ay jiraan arday kale oo horay u dhiganeysay jaamicadda kuwaasi oo kala barta kuliyadaha kala duwan ee jaamicadda sida kuliyadaha Computer Science, Accounting, Al-Shariicah Wal-Qaanuun, Management, Economics, Engineering iwm

Ardayda dhiganeysa kuliyadd Qiraatka ayaa la rajeenayaa in ay duruustooda ugu dhamaan doonto mudo labo(2) sano ah iyagoo markii ay dhameystaan jaamicada heli doono shahaado cadeeneysa in ay yihiin Qurraa’, sanad oo ah laga bilaabo macalinkii baray Qiraa’aadka kii sii baray illaa laga gaaro NabiyulLaahi] Muxamed caleyhi salaatu wasalaam oo uu Qur’aankuba ku soo dagay, iyo ijaaso oo ah in uu sii faafin karo Qiraa’aatka Qur’aanka Kariimka ah.

Magaalada Tariim oo ay ardaydu jaamicadda ka dhiganayaan ayaa ah magaalo qadiimi ah oo taariikh qoto dheer ku leh caalamka.

mar aan booqasho ku tagay dhismaha kuliyada Qiraa’aatka ayaa waxaa la i tusay dhismayaal qaarkood ay dhisanyihiin 1000(kun) sano iyo buurta Al-Ahqaff oo ah buurtii loogu magac daray suuratul Axqaaf oo dhinac ka saaran dhisamaha kuliyadda.

Intii aan booqashada ku marayay magaalada Tariim ayaa waxyaabihii ugu yaabka badnaa oo aan ku arkay waxaa ka mid ahaa in dhamaan dhismayaasha magaalada ay korka dhoobo ka yihiin oo aan loo ogaleyn rinji iyo nuuradeyn toona, markii arrintaasi aan weydiiyay qaar ka mid ah cuqalada magaalada ayey waxaa ay ii sheegeen in magaaladan ay Tahay madiinatul Cilmi wal Cibaadah(magaalada cilmiga iyo cibaadeysiga) sidaas owgeedna aan loo ogaleyn in dhismayaasha la qur-qurxiyo si buu yiri aysan ugu mashquulin dadkii u soo doontay cilmiga iyo cibaadeysiga.

Waxaa sidoo kale la ii sheegay in sayid Abu-Bakar uu u duceeyay magalaadan maxaa yeelay markii magaalooyin badan oo ka mid ah dhulka muslimiinta laga diiday bixinta zakada ayuu u yimi reer Tariim oo sidoodii zakada u bixinaya wax is badal ahna uusan ku dhicin isagoo markaasi ugu duceeyay in magaalada Tariim ay culimadu uga soo dhashaan sida ay dhirtu uga soo dhalato dhulka.

Ma aha markii ugu horeysay oo arday Soomaaliyeed oo dhigineysa kuliyadda Qiraa’aadka ay yimaadaan magaalada Tariim balse waxaa horay u joogay arday dhowr ah oo uu sanadkan u dhamaanayo duruustoodii kuwaasi oo laga rajeenayo in ay si baaxad leh ugu faafin doonaan Qiraa’aatka guud ahaan dunida Islam-ka gaar ahaanna dalka Somalia.

W/D:-

Zakaria Yussuf Kulane

(Dr.kulane)

Email: anwarka34@hotmail.com

Ardey ka qalin jabisay Iskuullada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee Galgacyo oo deeqo wax barasho ka helay Waddamada Yemen iyo Masar

October 3, 2010

Ardey ka qalin jabisay Iskuullada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee Galgacyo oo deeqo wax barasho ka helay Waddamada Yemen iyo Masar

1 10 2010
Ardey aad u fara badan oo ka qalin jabisay Iskuullada ay gacanta ku hayaan Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxay wax-barasho bilaash ah ka heleen waddamada Yemen iyo Masar.

Ardeydaan ayaa gaaraya ilaa 30meeyo waxayna ka kala bexeen Iskuullada ay gacanta ku hayaan dalladda Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca.

Adeydaan ayaa marii ay u baxayeen waddamada Yemen iyo Masar ayaa waxaa loo dhigey xaflad sagoontin, waxaana ka qayb galay Xafladdoodaaas Maamullada Iskuullada, Macalimiinta iyo weliba qaybaha Bulashada kala duwan.

Shiikh Muxayadiin Yuusuf Barre oo ah Culimada Waa weyn ee Ahlu-sunna Wal-jamaaca gacantana ku haya Iskuullada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee Magaalada Gaalkacyo ayaa madashaas ka hadlay, wuxuuna ardeyda kula dardaarmey in ay sifiican wax u soo korarsadaan, ilaashadaanna caqiidadooda saxda ah, oo aysan was waasin Wahaabiyada meel kasta ayey adduunka ka joogaane.

Waxaa sidoo kale madasha sagootinka ka hadlay Macallimiintii iyo waaridiintii halkaas isugu yimid, iyagoo dhammaan ammaan u soo jeediyey Maamullada Iskuullada hoos yimaada Ahlu-sunna Wal-jamaaca dadaallada ay muujiyeen, waxay sidoo kale la dardaarmeen Ardeyda deeqaha wax barasho ka heshay waddamada Yemen iyo Masar.

Waxaa iyagana ka hadlay halkaas ardeyda deeqaha heshey waxayna ammaan u soo jeediyeen Maamulka Iskuullada Ahlu-sunna Wal-jamaaca, oo sheegeen la’aantood in aysan waligood helin wax wax-barasho ah.

Waxay sidoo kale sheegeen in ay waddankooda ay wax u soo baranayaan, iyagoo sheegey in alle idinki ay iska ilaalin doonaan Khawaarijta iyo Wahaabiyadaba, waxayna ballan ku qaadeen in ay markii ay wax soo bartaan, ay shaqada ugu horreeya ee ay qaban doonaan ay noqon doonto la dagaallanka Khawaarijta iyo Wahaabiyadaba.

Ardey ka qalin jabisay Iskuullada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee Galgacyo oo deeqo wax barasho ka helay Waddamada Yemen iyo Masar

1 10 2010
Ardey aad u fara badan oo ka qalin jabisay Iskuullada ay gacanta ku hayaan Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxay wax-barasho bilaash ah ka heleen waddamada Yemen iyo Masar.

Ardeydaan ayaa gaaraya ilaa 30meeyo waxayna ka kala bexeen Iskuullada ay gacanta ku hayaan dalladda Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca.

Adeydaan ayaa marii ay u baxayeen waddamada Yemen iyo Masar ayaa waxaa loo dhigey xaflad sagoontin, waxaana ka qayb galay Xafladdoodaaas Maamullada Iskuullada, Macalimiinta iyo weliba qaybaha Bulashada kala duwan.

Shiikh Muxayadiin Yuusuf Barre oo ah Culimada Waa weyn ee Ahlu-sunna Wal-jamaaca gacantana ku haya Iskuullada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee Magaalada Gaalkacyo ayaa madashaas ka hadlay, wuxuuna ardeyda kula dardaarmey in ay sifiican wax u soo korarsadaan, ilaashadaanna caqiidadooda saxda ah, oo aysan was waasin Wahaabiyada meel kasta ayey adduunka ka joogaane.

Waxaa sidoo kale madasha sagootinka ka hadlay Macallimiintii iyo waaridiintii halkaas isugu yimid, iyagoo dhammaan ammaan u soo jeediyey Maamullada Iskuullada hoos yimaada Ahlu-sunna Wal-jamaaca dadaallada ay muujiyeen, waxay sidoo kale la dardaarmeen Ardeyda deeqaha wax barasho ka heshay waddamada Yemen iyo Masar.

Waxaa iyagana ka hadlay halkaas ardeyda deeqaha heshey waxayna ammaan u soo jeediyeen Maamulka Iskuullada Ahlu-sunna Wal-jamaaca, oo sheegeen la’aantood in aysan waligood helin wax wax-barasho ah.

Waxay sidoo kale sheegeen in ay waddankooda ay wax u soo baranayaan, iyagoo sheegey in alle idinki ay iska ilaalin doonaan Khawaarijta iyo Wahaabiyadaba, waxayna ballan ku qaadeen in ay markii ay wax soo bartaan, ay shaqada ugu horreeya ee ay qaban doonaan ay noqon doonto la dagaallanka Khawaarijta iyo Wahaabiyadaba.

xafiiska ardayda ahlusunna waljamaaca ee yemen oo xariga lagajaray maanta.

September 24, 2010

waxaa maanta xariga lagajaray xafiiska kashaqeeya howlaha ardayda ahlusunna waljamaaca ee jaamacadda ahgaff ee dalka yemen ,xafiiskaan ayaa waxaa maamula ka ah SHIIKH HASSAN ALBASRI OO ah guddomiyaha ururka ardayda ahlusunna waljaamaca ee dalka yemen. xafiiskaan ayaa iskuxiraya ardayda iyo maamulka jaamacadda si loo hormariyo tacliimta ardaydajoogta jaamacadda iyo kuliyadda culuumul qur’aanka ee tariim..
e-mail xalbisri2@hotmail.com
tel 967734543792

ogaysiis muhiim ah

September 23, 2010

waqxaa uu ogaysiinayaa gudoomiyaha ardayda soomaliyed ee jaamacadda ahgaff sheekh hassan albasri in ay ku imaankaraan dhinaca badda oo ah laba qeeb tan makh oo ay kasoogalikaraan dhinaca barbara ,iyo tan mukalla oo ay kaga imaankaraan dhinaca boosaaso ,iyo safarka sadaxaad oo ah ailaboorka cadan.. kadib marka ay soodagaan kuwa makh iyo cadan siwadajir ah ..waxaa ay sooracayaa baabuurka mukalla ,,waxayna lasooxariirayaan maamulka ardayda sheekh hassan albasri 734543792 si loosiiyo faahfaahin dheeraad ah… kuwa ku imaanaya dhinaca ailaboorka mukalla rayaa ailaboorti waxa ay sooqadankaraan baabur kadibna jaamacadda labasaac kadib waa ay joogaa..

ogaysiis muhiim

September 19, 2010

Guddoomiyaha ururka ardayda somaliyeed ee jaamacadda ahgaff e dalka yemen SHIIKH HASSAN ALBASRI waxa uu ogaysiinayaa dhammaan ardayda heshay deeqda waxbarasho in ay sida ugu dhaqsiyahabadan e-mailkaan ugu soodiraan takhasusaka uu ardaygu jecelyahay in uu barto … si loo siiyo liiskaas xafiisyada waxbarasho ee jaamacadda oo sidaas soocodsaday..
Emailkana waa sidaan
xalbisri2@hotmail.com
soodir magaca oo sadaxan iyo takhasuskaaga ..

Guddomiyaha ururka ardayda oo leh dhammaan ciid mubaarak

September 11, 2010

sheekh hasan albasri guddoomiyaha ardayda ayaan ugu hambalyenayo dhammaan musliminta caalamka meelkasta oo ay joogaa ciid wanaagsann.. waxaan ilaah karajaynayaa sanadka soosocda bashbash iyo barwaaqo.. aamiin

mahad celin

September 6, 2010

Guddoomiyaha ururka ardayda soomaliyeed ee jaamacadda ahgaff sh.hassan albasri ayaa usoojeedinaya mahadcelin websityada somaliyeed qaarkamid ah sida waddaninimada ah oo ay ubaahiyeen warka ogaysiisnaya ardayda somaliyeed in laga aqbalay jaamacadda ah ayna kaqaadankaraan visaha yemen safaradda yemen ee kutaala dalka jabuuti
websityadana waxaa kamid ah
http://www.shaaciye.com/Ogey.htm
http://www.xogsheeg.com/view.php?id=2481
http://www.warsheekh.com/view.php?id=8369

kaalinta ay kaqaateen faafinta ogyasiiska

bishaaro bishaaro wacan

September 4, 2010


guddoomiyaha ururka ardayda somaliyeed ee jaamacadda ahgaaff SHIIKH HASSAN ALBASRI ayaa ugu bishaareenaya dhammaan ardaydii xareesatay tukumitiyada deeqda waxbarasho ee jaamacadda ahga iyo machadka caydaruus ee qiraa’atka in visaha ladhigay safaradda yemen ay kuleedahay dalka jabuuti oo sidaas ay ugasooqadankaraan ardayda .